Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Mid Ka mid Ah Xarumaha Shirkadda Somtel

 

16-07-2019

 

Muqdisho – Wararka aan ka helayno Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax, kaas oo la sheegay inuu ahaa Qarax miino.:

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay xarunta shirkadda Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, halkaasi oo la sheegay inay ka agdhawaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya.

Illaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ku sugnaa goobta.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay ma’uuliyiinta shirkadda, waxaan kaloo aan jirin cid sheegatay Qaraxa lagu weeraray xarunta shirkadda Somtel. – Goobjoog News

Leave a Reply