Khasaaraha Dabka Qabsaday Suuqa Ku Yaala Afgooye

 

18-01-2019

 

Afgooye – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xalay qabsaday suuq ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dabka oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan waxa sababay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro baaxad leh oo mid hantiyadeed.

Ku dhawaad 20 goobo ganacsi oo lagu iibiyo alaabta maacuunta ayaa lagu waramayaa inuu sameeyay Dabka.

Dadka degaanka oo is-xilqaamay ayaa ku guuleystay inay baq-tiijiyaan Dabka, maadaama degmada iyo gobolka uusan lahayn gaadiidka dab-damiska. – Radio Shabelle

Leave a Reply