Kenya Oo Heegan Buuxa Gelisay Ciidankeeda Ka Dib Qatar Ka Soo Wajahday Al-Shabaab

 

24/08/2019

 

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya kadib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee xadka la leh Soomaaliya inta ay socdaan diwaangalinta guud ee dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay doonaayaan in ay weeraraan gobolka iyo sidoo kale meelaha ay ka socoto diwaangalinta guud ee dalka Kenya

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo marayay gobolka Waqooyi Bari ayaa dhawaan ka badbaaday iskuday dil oo ay la damacsanaayeen Al-Shabaab sida ay sheegtay dowladda Kenya. – Shaaciye News

Leave a Reply