Kenya oo ciidamo cusub geyneyso xadka Soomaaliya

12/09/2018

 

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarineyso Ciidamo cusub oo Boolis ah oo la geynayo illaa 60 goobood oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya

Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Birik ayaa sheegay in Ciidamadaasi oo qaarkood la qorayo loo qorsheeyay in ay sugaan amniga deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya.

Mr Birik ayaa xusay in Ciidamadaasi gaarka ah ay ka hortaagi doonaan weeraradaAl Shabaab ay ku qaadaan deegaano ku yaala xadka labada dal.

Ciidamadaasi Booliska ah ayaa howlgallo roondooyin ah ku sameyn doona goobaha ay inta badan Al Shabaab ka soo qaadaan weerarada ee ku yaalla goballada Waqooyi Bari iyo Xeebta ee dalkaasi.

Kenya ayaa horay u sheegtay in ay wax ka qaban doonto amniga xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo ay Al Shabaab ka fuliyaan weeraro xoogan.

Ugu dambeyn xiriiraha gobolka Waqooyi Bari ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya ugu baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada, si looga hortago weerarada Xarakada Al Shabaab. – Somali Wayn News

Leave a Reply