Kalfadhiga Shanaad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Furmaya

 

01/04/2019

 

Muqdisho (SMN) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu furmo Kalfadhiga shanaad Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qaban qaabada munaasabad lagu daah-furayo Kalfadhigan ayaa haatan si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka, safiirada dalalka caalamka ee jooga Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Kalfadhiga shanaad xildhibaanada Aqalka Sare waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa xusid mudan in furitaanka Kalfadhiga ni labo jeer oo hore uu baaqday , sababo la xariira arrimo farsamo aawgeed.

Dhinaca kale waxaa saaka xiray dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la soo dhoobay waddooyin dhowr ah oo u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha Muqdisho, kuwaas oo dib u celinayo gaadiidka BL-ka iyo kan gaarka loo leeyahay intaba.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Leave a Reply