Jubbaland oo war ka soo saaray Nabadoon xalay lagu dhaawacay Kismaayo

 

14-09-2019

 

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay falkii xalay lagu dhaawacay Avv. Axmed Jaamac Qalyar oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaano Jubbaland, isla markaana ka mid ahaa Golihii is bedel doonka Jubbaland.

Kooxo hubeysan ayaa xalay nabadoonka ku weeraray mid ka mid ah xaafadaha Kismaayo, waxaana soo gaaray dhaawac, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Isbitaalka weyn ee Kismaayo.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dhaawaca nabadoonka, isagoo xusay in xaaladiisa ay ka soo reyneyso.

Warar kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo baxayay xaalada dhaawaca ee nabadoonka, hase ahaatee waxaa haatan la sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

C/rashiid Xidig oo dhowaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal bartiisa Facebook ku soo qoray ku sheegay in la garanayo cida ka dambeysay dhaawaca Avv. Axmed Jaamac, lana horkeeni doono cadaaladda. – Jowhar News

Leave a Reply