Jubbaland oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

 

18-11-2019

 

Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha Hay’adda ayaa Ninka Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Shiikh Nuuur ,balse Shabaabka dhexdooda looga yaqaano (Abuu Xamsa), isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer, hayeeshee ay sheegeen in Ninkaasi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland, kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab. -Radio Risaala

Leave a Reply