Jubaland oo ka jawaabtay hadalkii Danjire Francisco Madeira

 

26-05-2020

 

KISMAAYO – Masuulyiinta Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay inay ka xunyihiin hadal uu dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Madeira oo ka hadlay heshiis bishii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo sadex kamid ahaa golaha isbadal doonka Jubaland ayaa ku qeexay mid dhex maray “xubno isku beel ah.”

Madeira ayaa ku baaqay in loo baahan yahay wada-hadallo iyo dib u heshiisiin ay ku lug yeeshaan dhammaan beelaha dega Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

Warbixintan waxaa magaalada Nairobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

DHAGEYSO Jubaland oo ka jawaabtay hadalkii Danjire Francisco Madeira

– VOA Somali

Leave a Reply