Iska Hor Imaad Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Kaaraan

02/10/2018

 

Muqdisho – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo Barqanimadii maanta ka dhacay Suuqa degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen Askari xirnaa dharka Ciidanka Milatariga iyo Askar kale oo Milatari ah, kadibna iska hor imaad uu ku dhexmaray halkaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in shaqaaqadaasi lagu dilay Askarigii xirnaa dareeska Milatariga, iyadoona horay looga sii qaatay Qorigii uu watay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkaasi ay ku dhaawacmeen 2 qof oo Rayid ahaa oo mid ka mid ah ay aheyd Gabar Ardayad ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha G/ Banaadir, iyadoona waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee ku nool Muqdisho. – Radio Shabelle

Leave a Reply