Isbaddel Lagu Sameeyay Jadwalka Doorashada Jubbaland Iyo Waqtiga Oo La Soo Hormariyay

 

14/08/2019

 

Kismaayo – Isbaddel ayaa maanta lagu sameeyay jadwalkii doorashada maamulka Jubbalnd kaas oo tilmaamaya waqtiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wax laga bedelay jadwalka doorashada, iyadoona diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanku ay bilaabanayso maanta oo ay taariikhdu tahay 14 Agoosto.

Dhinaca kalana waxa hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka laga dhigay 15 Agoosto, doorashada guddoonka 17 Agoosto halka hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha ay bilaabanayso 18 Agoosto ugu dambeyna doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 19-ka bishan.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-ta bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha loo qabtay 24-ka bishan, hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ismaandhaaf weyn oo ku aadan arrinta doorashada Jubbaland uu u dhaxeeyo dowladda dhexe ee federaalka iyo maamulka waqtigiisu sii dhamaanayo ee uu hoggaaminayo musharax madaxweyne Axmed Madoobe. – Calanka News

Leave a Reply