Howlgallo Ballaaran Oo Laga Sameeyay M/ Gaalkacyo

 

16/06/2019

 

Gaalkacyo – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa xalay howlgallo ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi.

Balse howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen hor Gaalkacyo lagu dilay Sagaal qof oo dad rayid ahaa, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed. – Radio Shabelle

Leave a Reply