Hoteellada xeebta Liida oo la amray in gabi ahaanba la xiro

 

30-03-2020

 

Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya dunida.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka bulshada, si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay maqaayadaha iyo hoteelada ku yaala Liido oo bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray bulshada in ay u hogaansamaan Fariimaha Wacyigelin ee Wasaarada Caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoona ay si wadajir ah barnaamijyada wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta, iyo Maamulka Gobolka Banaadir. – Hiran Online

Leave a Reply