Hey’adda Duulista oo soo saartay amar ku socda Shirkadaha Diyaaradaha ee u duulaya Kismaayo

 

22-09-2019

 

Muqdisho – Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Qoraal ay soo saartay hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta inay soo dalbato fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Hey’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo Shirkadaha Diyaaradaha ee aadaya Kismaayo.

Tallaabadan ayaa ah mid u muuqata isku day la doonayo in lagu joojiyo wafuuda kala duwan ee aadeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo la sheegay in caleema saarka lagu casuumay Madax kala duwan iyo marti sharaf kale

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay u soo saartay amar ah in diyaaradaha aadaya Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya inay soo maraan Muqdisho, si loo hubiyo, waxaana tallaabadan ka dambeysay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee dowladda Federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn. – Jowhar News

Leave a Reply