Hantida Qaranka G. Banaadir oo kaliya miyeey ku maqantahay?

 

11/01/2019

 


Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo isugu jira 8 Wasiir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hanti Dhowraha Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Guddigan ayaa la faray in la joojiyay bixinta iyo iibinta dhulalka dowladda, in aan la oran karin in laga maarmay dhul dowladeed, isla markaana hey’addii ka maaranta dhul dowladeed ay keento Golaha Wasiirada.

Sida iska muuqata guddigan ayaan lahaan doonin wax awood ah maadaama ay u badanyihiin wasiiro iyo xubno si aad ah ugu dhow madaxda hadda tallada haysa.

Liiska xubnaha guddiga:

Sidoo kale waxaa jira shaki ku saabsan in guddigan loo aas aasay in lagu wax yeeleeyo qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho ee mucaaradka ah, waxaana malmahan socday olole xoogan dhanka social mediaha ah oo lagu bartilmaameedsanayay ganacsato kasoo jeeda Gobolka banaadir, taasoo lagu waxyeeleeynayay sumcadooda.

Aragtida aqoonyahanada ka dhiibteen Guddigan:

Prof Yaxye Caamir, oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay guddigan, wuxuuna soo bandhigay dhowr su’aalood oo u baahan jawaabo.

Hantida Qaranka.

Codsi.

Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada.

1- Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan?

2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab?

3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah?

4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay?

5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo?

6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen?

7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa?

8- Suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado?

10- Ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan?

11-

Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada

Qore: Yahya Amir

Xigasho: Midnimo News

Leave a Reply