Hanaanka Lagu Dooranayo Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Jubaland Oo La Shaaciyey

 

24-05-2019

 

Kismaayo – Guddida doorashooyinka maamulka Jubaland ayaa shaaciyey qaabka lagu soo xulayo xildhhibaanada cusub ee baarlamaanka kuwaas oo dooran doona madaxweynaha cusub.

Kulan dhexmaray guddida doorashada iyo odayada dhaqanka ee deegaanka Jubaland ayaa lagaga hadlay qaabka lagu soo dooran karo xildhibaanada cusub, iyada oo madaxda dhaqankana la hordhigay qorshe ay dejiyeen guddida doorashooyinku.

Guddida doorashada maamulka Jubaland iyo madaxda dhaqaka ayaa dood dheer ka dib isku raacay hanaanka lagu soo dooranayo xildhibaanada cusub kaas oo ah in beel kasta oo leh hal xildhibaan ay guddida doorashada u gudbiyaan magacyada sadex xubnood oo midkood la soo xulan doono, kuwaas oo ay soo xulayaan madaxda dhaqanku.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee maamulka Jubaland ayaa ku baaqay in cidii cabasho ka qabta nidaamkaasi ay timaado deegaanada maamulka si loo qanciyo isla markaana qayb ka noqdaan hanaanka doorashooyinka ee maamulka Kismaayo. – Hadhwanaag News

Leave a Reply