Gudoomiye Xaashi Oo La Kulmay Gudoomiyaha Golaha Shuurada Qatar

 

10-12-2019

 

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay Gudoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Axmed Bin Cabdallah Aal Maxamuud.

Kulanka labada Gudoomiye waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada Baarlamaan, Kaalinta Dowladda Qatar ay ka qaadato dib u dhiska Dowladnimo ee Dalka Soomaaliyeed, Qadiyadda reer Falastiin iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen Shacabka dhibaatayaan ee Reer Falastiin

Labada Gudoomiye waxay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla-markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac. – Universal TV Somali

Leave a Reply