Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya oo talo u soo jeediyay dowlada Soomaaliya

 

17/03/2020

 

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya mudane Faarax Macalin Maxamed ayaa ka hadlay caabuqa faraha ba,an ku haya guud ahaan caalamka ee loo yaqaan Corona.

Mr Macalin oo qadka taleefanka kula hadlay Universal Tv ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada gobolka waqooyi Bari in ay joojiyaan qaadka tagaya Deegaanadooda.

Siyaasigaan ayaa intaa raaciyay in Jaadka markii hore uu dhibaato ku ahaa dhaqaalaha Soomaaliya, hadane uu ay jirto cabsi caafimaad oo iyo in taxadar dheeri ah la Muujiyo.

Shalay ayay aheyd markii wasaarada caafimaadka ay ku dhawaaqday in bukaankii ugu horeeyay oo dibada ka yimid laga helay caabuqa Corona. – Universal TV Somali

Leave a Reply