Gudoomiyaha G/shabellaha Hoose oo ka hadlay dilka Wariye Cabdiweli Online

 

16-02-2020

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ka hadlay dilkii caawa Degmada Afgooye loogu gaystay Allaha u naxariistee Wariye Cabdiweli Cali Online.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa degmadaasi ku dilay Wariye Cabdiweli Cali Online, oo Gobolka Shabellaha Hoose uga soo warami jiray Universaltv.

Gudoomiyaha ayaa laamaha ammaanka faray inay baaritaan ku sameeyaan kuwii ka dambeeyay dilka Wariyaha, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigaan.

“Hay’adaha ammaanka ee Degmada Afgooye waxaan farayaa inay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan kooxda dilka geystay, gacantana lagu soo dhigo. Saaxiibkeen waxa uu si dhow ula shaqeynayay Maamulka Gobolka.”, Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa caawa hawlgal lagu baadi-goobayo dhagar-qabaayaashii dilay Wariyaha ka wada Degmada Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Wariyaha, balse dilkiisa ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka dalka loogu gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed. – Universal TV Somali

Leave a Reply