Guddoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo ka degay Addis Ababa

 

11-11-2019

 

Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka itoobiya.

Safarka Guddoomiye Mursal ayaa yimid ka dib casuumad kaga timid dhigiisa dalka Itoobiya oo Garoonka Dayuuradaha Addis ababa ku soo Dhaweeyey.

Labada dhinac ayaa la sheegay iney ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan sidii labada Baarlaman ay iskaashi uga yeelan lahaayeen is dhaafsiga khibrada shaqo iyo tababarada.

Booqashada Gudoomiye Mursal ku tegay dalka Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xili ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha & raisul wasaaraha dalka oo shalay iyo maanta u kala duulay dalalka Kenya iyo France, taasoo ka dhigan in sadexda masuul ee dowlada ugu sareysa ay dalka ka wada maqan yihiin. – All Banaadir News

Leave a Reply