Guddiga Qaran Ee Dib U Heshiisiinta Oo Baaq Diray

 

06-04-2020

 

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran, Mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambeeyey dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeyba badan oo kamid ah dalka.

Ismaaciil Macalin ayaa ugu baaq dhinacyada ku dagaalamaya gobollada Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, isagoona ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda federaalka inay ciidamo kala dhex-dhigto maleeshiyaadka diriraya, si looga hortago dagaalladaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply