Guddiga qabanqaabada xaflada xilwareejinta guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la magacaabay

 

24/08/2019

 

Muqdisho – Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada xaflada xilwareejinta guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddiga la magacaabay oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Cumar Xuseen Maxamed halka xoghaye uu ka yahay Cabdulaahi Maxamed Cabdulle.

Magacaabista guddigan ayaa imanaysa maalmo kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Hase yeeshee lama sheegin xilliga ay dhacayso munaasabada xil wareejinta guddoomiyaha gobolka Banaadir balse warar aan helnay ayaa sheegaya in la qaban doono xafladaas 27ka bishan August.

– Jowhar News

Leave a Reply