Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad Sanadeedka 2020-ka

 

17/11/2019

 

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadii qaranka 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 SLSH (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin Somaliland), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.Kal-fadhigii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad,ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii.

Barkhad-ladiif M. Cumar | Hiran Online

Leave a Reply