Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

 

14/01/2019

 

Muqdisho (SONNA) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Leave a Reply