Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Jaangoynta iyo Tayo Dhawrka

 

15-01-2020

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba sharci oo muhiim ah.

Kulanka 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu uu ahaa u codeynta wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka iyo u codeynta wax ka bedelka Sharciga Furdooyinka ayay Xildhibaanada codka kalsoonida siiyeen.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda ayaa waxaa goobta ka jeediyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan.

Wax ka bedelka Sharciga Furdooyinka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan.

Labada Sharci sidaas ayay Golaha Shacab ku ansixiyeen.

Shacigani wuxu abuurayaa Hay’adda Tayo Dhawrka Soomaaliya oo ilaalin doonta tayada alaabooyinka la dhoofinayo iyo kuwa loo soo dhoofinayo dalka. Waxa kale oo uu fududeynayaa in ganacsiga dalka si fudud looga aqbalo suuqyada gobolka, kuwa Carabta iyo caalamkaba.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka u codeynta Sharciga Jaangoynta iyo Tayo Dhawrka. – Universal TV Somali

Leave a Reply