Gobolka Sörmland oo ku xiga Stockholm xagga tiradda geerida Corona

 

28/03/2020

 


Sawir: Annizeth Åberg/Sveriges Radio

 

Gobolka Sörmland ama Södermanland ee xaruntiisu tahay magaaladda Eskilstuna ayaa ah gobolka ku xiga xagga tiro badnida dhimashada Coronavirus ee Sweden. Dad gaaraya 14 ayaa cudurka Coronavirus ugu geeriyootay gobolkaasi.

Magnus Johansson waa hoggaanka adeega caafimaadka ee gobolka Sörmland.

– Haa, waxaa jira bukaano badan oo ku jira qeybta dadka liita oo ah dad ku nool Sörmland, ayuu yiri Magnus Johansson.

Masullkan ayaa sheegay in sababta gobolkaasi uu kaalinta labaad ugu jiro saameynta cudurka ee Sweden in ay tahay in gobolka ku nool yihiin dad badan oo u kala goosha Stockholm iyo gobolka sidaasi ay isaga ula tahay in sare u kaca fallaarta tirakoobka gobolka ay la socoto mida Stockholm. – Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply