Garoonka Diyaaradaha B/weyne Oo Qarka U Saaran Inuu Xirmo

 

06/10/2019

 

Baladweyne – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in garoonka magaaladaasi uu qarka u saaran yahay inuu xirmo.

Roobkii dayrta ee ka curtay gobolka Hiiraan ayaa sababay in biyo badan fariistaan garoonka Baladweyne, waliba dhabaha ay ka duulaan diyaaradaha.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonkaasi, cabsida ayaa ah in haddii roob kale oo biyo badan wata yimaado in duulimaad oo dhan aan rajo laga qabi doonin.

Sanad walba sidan oo kale ayaa markii roobabka curtaan ay biyo dhigmaan Garoonka Baladweyne, iyadoo maalmo badanna hakad galo duulimaadyada garoonkaasi. – Goobjoog News

Leave a Reply