Galmudug Oo Howlgallo Ka Sameysay M/ Cadaado

 

13-01-2019

 

Cadaado – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha magaalada Cadaado ee G/Galgaduud.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qabteen illaa 3 Qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lacago sharci darro ah ka qaadi jiray dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Cadadaado C/laahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi.

Waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada la qabtay ay dadka deegaanka isaga dhigi jireen kuwo hay’ado ka socda, islamarkaana ay ka qaadi jireen Lacago diiwaangelin ah. – Radio Shabelle

Leave a Reply