Gaari Xamuul Oo 10 Qof Ku Dilay Magaalada Muqdisho

 

26-05-2020

 

Gaari xamuul ahaa oo wadada ka baxay ayaa caawa 10 qof ku dilay Magaalada Muqdisho, halka tiro kalana ay shilkaasi ku dhaawacantay.

Gaariga oo marayay Isgoyska Hawlwadaag ee Degmada Hawlwadaag ayaa la sheegay in markeliya uu wadada ka baxay, iyadoona uu dulmaray dad fadhiyay wadada dhinaceeda iyo dad kale oo mooto bajaaj la socday.

Goobjooge ayaa sheegay in gaariga uu u muuqday mid fariinka goystay, isla-markaana uu darawalku xakameyn kari waayay gaariga.

Goobjoogaha ayaa sheegay in uu arkay meydadka 10 qof oo dhammaantood ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay iyo dhaawac dhawr kale.

Isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha ayuu sheegay in shilkan uu caawa dareen argagax leh ku abuuray shacabka ku dhaqan Degmada Hawlwadaag.

Dhanka kale Ciidamada Booliska oo ku baxay goobta uu shilku ka dhacay ayaa xiray wadada, waxaana ay ka wadaan baaritaan la xiriira qaabka uu shilkaasi u dhacay.

Waa shilkii ugu xumaa oo ka dhaca Isgoyska Degmada Hawladaag ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. – Universal TV Somali

Leave a Reply