Farmaajo & Kheyre Oo Qaaday Tallaabo Baal Marsan Dastuurka,Halisna Ku Ah Deganaashaha Dalka

 

04-08-2019

 

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku eedeeyay Madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha,Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iney soo saareen sharci doorasho oo iyaga awood siinaya, islamarkaana haddii la doono sahli kara iney ku soo laabtaan doorashada 2020-ka.

Sidoo kale, Xildhibaan Odawaa ayaa hoosta ka xariiqay in sharciga Doorashooyinka uu khilaafsan yahay dastuurka loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo horay u soo noqday Wasiirkii arrimaha dowladdii Xasan Sheikh ayaa ka mid ah Xildhibaanada mucaaradsan Madaxda Villa Soomaaliya ayaa tilmaamay ineysan muuqan doorasho qabsoomi karta sanadka 2020-ka oo wax yar uu ka harsan yihiin,wuxuuna dhanka kale ka digay in mudo kororsi ay sameyso xukuumadda haatan talada heysa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Dowladda Farmaajo ku eedeeyay ineysan dooneyn doorash waqtigeeda ku dhacda,islamarkaan sharciga doorashada ay meelmariyeen Golaha shacabka uu baal marsan yahay dastuurka dalka. – Shaaciye News

Leave a Reply