Faahfaahin: Weerar dhimasho & dhaawac sababay oo xalay ka dhacay Muqdisho

 

19-04-2019

 

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somalia ayaa la dilay mid kalena waa la dhaawacay ka dib weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii askari la sheegay inuu ka tirsanaa milatariga uu rasaas ku furay ciidamo Boolis ah oo socod roondo ah ku jiray sida ay wararka nagu soo gaareen.

Askariga weerarka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamadii ay waxyeeladu soo gaartay loola cararay goobaha Caafimaadka.

Falkan ayaa loo malaynayaa inuu daba socdo iska horimaadyo todobaadkii la soo dhaafay labo jeer ku dhexmaray magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska Soomaaliya kuwaasoo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay jiraan saraakiil iyo ciidamo loo xiray falalkaas. – All Banaadir News

Leave a Reply