Faahfaahin: Qarax Saraakiil iyo askar lagu dilay oo ka dhacay Sh. Hoose

20 Sebteembar, 2018

 

Qarax khasaare dhaliyay ayaa ciidamo ka tirsan Millatariga Somaliya waxaa lagula eegtay gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lambar 60 iyo degaanka Shaleembood.

Qaraxa oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo ka mid ah kolonyo ciidanka Millatariga ah, waxaana qaraxan si weyn looga maqlay aagga uu ka dhacay.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay ku dhinteen Laba askari halka ay ku dhaawacmeen Laba askari oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalka degmada Afgooye.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen qaraxa kadib inay dileen dhawr dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab oo ka mid ahaa xubno weerar soo qaaday marka uu qaraxa qabsaday ciidanka.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay tilmaameen in qaraxan ay ku dileen sarkaal darajadiisa lagu sheegey Kabtan ciidan oo magaciisa lagu soo koobey Cali Dhuux, Laba Xidigle Cabdule iyo laba askari oo kale.

Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada lagu aaso dhulka waxa ay la eegtaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, marka ay isaga kala gudbayaan degaanada gobolka Shabeellaha Hoose. – Universal Somali TV

Leave a Reply