Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay degmada Qoryooley

 

19-02-2020

 

Weerar ku bilowday qarax ayaa saaka dagaalamayaal ka tiran Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la isu adeegsada hubka noocyadiisa kala duwan uuna saameyn ku yeeshay isu socodkii iyo ganacsiga magaalada Qoryooley.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo weli laga maqlayo rasaas gudaha xaafado ka mid ah magaalada Qoryooley.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley ay ka hortageen weerar loo adeegsaday Gaari qarax sidey oo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen inay qaraxaasi ku bur buriyaan Buundada degmada Qoryooleey si isku socodka dadka iyo Gaadiidka u istaagaan, waxaana uu sheegay in dagaalka lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab. – Jowhar News

Leave a Reply