Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay J/Hoose

 

25-06-2019

 

Kismaayo – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyhiniin deegaanka Wirkoy ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal toos ah labad dhinac uu ku dhex maray Wirkoy oo u dhexeeya deegaanada Baarsanguune iyo Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma cadda illaa iyo hadda khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan , balse Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay, inkasto aysan shaacin wax khasaare ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku aadan dagaaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply