Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay J/Hoose

 

13-01-2020

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo kuwa Jubbaland ka mid ah oo howlgal ka waday duleedka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply