Ehelada taliyihii ciidamada Gorgor oo aqbalay in la aaso meydka Ex Gaashaanle Maxaadey

 

22-10-2019

 

Muqdisho – Ehelada Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Maxaadeey Suleymaan oo Habeenkii Sabtida lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Hotelka Naasa-Hablood 2 ayaa oggolaaday in la aaso meydka Maxaadey.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ehelada marxuumka ay diideen in la’aaso meydka illaa laga soo cadeeyo cida dishay iyo sababta loo dilay.

Dadaalo xoog leh oo ay sameeyeen Iimaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ugu dambeyn waxaa ay ehelada marxuumka ay aqbaleen in la aaso meydka.

Waxaa lagu wadaa in meydka marxuumka la aaso berri oo talaado ah iyadoo loo saaray guddi ka shaqeeya aaska marxuumka.

Taliyihii hore Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Maxaadeey Suleymaan ayaa hogaaminayay ciidamada dowlada ee la wareegay dhowaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose. – Jowhar News

Leave a Reply