Duqeyn Xoogan Oo Ka Dhacday Shabeelaha Hoose

 

04-04-2019

 

Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn khasaaro geysatay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday gobolka Sh/Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamo Cadaan ah iyo kuwa DFS ay la beegsadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Ugunji ee gobolkaasi.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyntani, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo rayid ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan duqeyntaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka socday deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya.

Leave a Reply