Duqeyn lagu dilay maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo ka dhacday Koonfur Galbeed

07/01/2019

 

K/Galbeed (SONNA) – War ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan Koonfurta Soomaaliya,waxaana argagixisada Alshabaab ka soo gaaray khasaare xooggan.

Qoraal kooban oo soo gaaray warqabadka Wakaaladda SONNA ayaa lagu yiri” ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Soomaaliya, waxaana laga fuliyay duqeyn xagga cirka ah oo lagu beegsanayay Alshabaab.

Lix ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi, iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka howlgalkan ku tilmaamtay mid loogaga hortagayaya Alshabaab kuwaas oo qorsheynayay in ay soo maleegaan falal argagixisanimo ah, iyo cabsi gelinta bulshada deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda taageeraya waxaa ka go’an sii wadista beegsiga argagixisada Alshabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah.

Leave a Reply