Duqa Muqdisho oo Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyey curashada sanadka cusub ee Islaamka 1441

 

01/09/2019

 

Muqdisho – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guud ahaan ummadda muslimiinta ugu hambalyeeyay curashada sannadka cusub ee Hijriga 1441, isagoo u rajeeyey sanadkan kiisa kale in ay ku gaaraan nabad iyo horumar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in curashada sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1441 ku bilowdo bisha la bixiyo Zakada, ummadda muslimiinta ahna u leeyahay ahmiyad weyn, loogana baahan yahay in la weyneeyo. Isagoo si gaar ah sannadka cusub ee Islaamka ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho.

Mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah in la soomo loona duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed in Ilaahay uu ka dul-qaado dhibaatada.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir ugu hambalyeynayaa dhalashada sanadka cusub ee Hijriga 1441, waxaa curatay bisheenii barakaysnayd ee muxaram, sidaas darteed waxaan codsanayaa in la soomo fadliga bishan awgeed, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna loo duceeyo”.

Tirsiga sanadka Islaamka ee Hijriga oo ka soo bilowday waqtigii Nabigeena Muxamed (NNKH) la amray in uu ka hijroodo magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah looguna talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka. – Somali Weyn News

Leave a Reply