Duqa Muqdisho Oo Heshiis La Saxiiday Dhigiisa Magaalada Dooxa

 

15-12-2019

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar heshiis kula saxiixday Dhigiisa Magaalada Dooxa Md: Jamal Madar.

Hishiiska labada magaalo ayaa ah hishiis mataanayn oo noqonayo markii ugu horeeysay taariikhda labada Magaalo.

Hishiiskaan mataanaynta ah ayaa waxa uu ka kooban yahay 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan sida dib u dhiska magaalada, isdhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee assaasiga ah sida Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, mas’uuliyiinta & howlwadeenada labada magaalo oo booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo.

Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskaan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga & horumarinta oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qatar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa isagoo ka qaybgalayay Madasha Dooxa kana mid ah wafdi rasmi ah oo soo gaaray dalka Qadar kaas uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

– Shaaciye News

Leave a Reply