Duco iyo Duug loo Sameeyey Dadkii New Zealand

 

22/03/2019

 

Aaski maanta loo sameeyay wiil iyo aabihiis oo lagu dilay New Zealand

 

Munaasabad iskugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey Wajhada hore ee masaajidkii lagu laayey dad Musliim ah magaalda Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadka munaasabadda kasoo qeybgalay waxaa ka mid ah raysalwasaarhaa dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood. Waxaa kulankaan maanta kadib loo dareeray aaska dadkii ku geeriyoodey toogashadii ka dhacdey 2 Masaajid oo lagu weeraray magaladasi.

Muslimiinta wadanka ayaa si weyn uga mahadceliyey sida dadka reer New Zealand ay uga fal celiyeen dhacdan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa lasocotey warbixintana nooga diyaarisey.

DHAGEYSO – Aas New Zealand iyo Duco

– VOA Somali News

Leave a Reply