Dr Gacal oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

 

17-01-2020

 

Dhuusamareeb (SONNA) – Waxaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay tartanka doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug oo uu ku guuleystay Dr Maxamed Nuur Gacal

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa murashixii kula loollamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka kaga adkaaday 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cusmaan uu isna helay 34-cod.

Dhowaan ayaa la filayaa in la doorto xilalka Guddoomiye ku xigeennada Afhayeenka golaha wakiillada Galmudug.

Leave a Reply