Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

17-01-2020

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn deegaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in duqayntan lala beegsaday laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasi oo weerarka lagu dilay, sida ay muujinayso xogta laga helay ilaha dawladda.

Saraakiisha dowladda ma aysan shaacin magacyada xubnaha lagu bartilmaameedsaday duqeynta

Dhinaca Ururka Al-shabaab kama aysan hadlin warka ku saabsan xubnaha ka tirsanaa ee la sheegay in duqeynta lagu dilay

Mareykanka oo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ayaa xoojiyay duqeynaha ay ka geysanayaan deegaannada ay maamulaan Ururka gaar ahaan gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubbooyinka. – Hiran Online

Leave a Reply