Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow

16-12-2018

 

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka, isla markaana xarun u ahaa Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Xabsigan ayaa caan ku hayaa xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadanimada iyo ciqaabta dadka lagu soo eedeeyo fal dambiyeedyada sida Argagixisada, Wariyeyaasha iyo dadka dhaliila dowladda.

Dowladdihii isaga kala dambeeyay dalka ayaa xabsigan soo isticmaalayay, waxaana uu caan ahaa xilligii dowladdii Siyaad Barre oo uu baxay magaca Xabsigan.

Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Godka Jilacow ayaa ku dhawaaqay in xabsigan la xiray, isla markaana loo bedelay Xarunta Akadeemiyada Jilacow.

Wasiiradan ayaa sheegay in codsi uga yimid shacabka iyo hey’adaha xuquuqul Insaanka loo xiray xabsigan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in xirida xabsigan loo fiiriyay dhanka xuququul insaanka iyo cabashada shacabka, hadana waxaa ay weli dowladda wajaheysa eedeymo la xiriira dhinaca bani’aadanimada, xoriyatul qowlka iyo caburinta dadka ka aragti duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilo ka hor is bedel ku sameysay Ciidankii Nabadsugida Gobolka Banaadir, iyadoo ciidankaas loo wareejiyay Boolis. – Jowhar News

Leave a Reply