Dowladda Soomaaliya Ayaa Ku Baaqday Inuu Qabsoomo Bannaanbax Ka Dhan Ah Argagixisada Al-Shabaab

 

Dabra (Arbaco), 11-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in uu dhaco Banaanbax Ballaaran, isla markaana uu Banaanbaxaasi uu qabsoomo Maalinta Fabeeley-da (Khamiista) ee Beri ah, Taariikhduna tahay 12-01-2023.

Warka wuxuu ku darayaa in Banaanbaxa Ballaaran ee Berito, in uu ka dhacayo Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ugu dambeysti, Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in uu ka-qeybgalo Banaanbaxa Weyn ee Birito (12-01-2023): uuna kaga dhawaaqo Kacdoonka Dadweynaha Magaalada Muqdisho) ee lagula dagaalamayo Argagixisada Al-Shabaab.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).