Dowladda Somaliya oo Guddi baaris u xil saaraysa dagaalkii uu ku dhintay Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan

 

12-06-2019

 

Muqdisho – Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somaliya ayaa ka hadashay shaqaaqadii shalay ka dhacday duleedka Magaalada Baledweyne ee uu ku dhintay Taliyihii qaybta Gobolka Hiiraan ee Ciidamada Booliska Somaliya.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Somaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in dowladda Somaliya ay ka xun tahay waxa ka dhacay Magaalada Baledweyne.

Waxa uu sheegay Wasiir ku xigeenka in Dowladda Soomaaliya ay Guddi u Magacaabeyso Shaqaaqadaas, isla markaana baaritaan dhab ah ku sameynaya wixii sababay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

“Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay Shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne iyo cidii arrintaasi ku lug laheyd, waxana rajeynayaa in guddigaas markii la magacaabo in si dhaqsi ah uu u Shaqa bilaabi doono.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga.

Madaxda maamulka Hirshabelle, ayaa dhankooda sheegay in baaris dhab ah lagu sameynaayo cidii ka dambeysay dagaalkii uu ku geeriyooday Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Hiiraan. – Universal TV Somali

Leave a Reply