Dowladda oo ka hadashay geerida Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

 

24-05-2020

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ku geeriyooday Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamuud Samraan Al-Xuwayti, kaas oo la sheegay in uu xanuunsanaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geeridii ku timid AUN Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya Ambassador Xamuud Al Xuweydi, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

War-Saxaafadedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Xamuud Samraan Al-Xuwayti uu ka qeyb qaatay howlo farabadan oo lagu taageeray Soomaaliya,isla markaana uu ahaa diplumaasi ay dadka Soomaaliyeed la jeclaa horumar.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.


– Radio Risaala

Leave a Reply