Dowladda Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Deegaanka Bariire

 

19-08-2019

 

Muqdisho – Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, halkaasina looga dilay 20-ka tirsan halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen weerarada kaga imaanaya Al-Shabaab, islamarkaana weerarkaasi ay kala kulmeen khasaro xoogan waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha Hoose howlgallo, iyadoo howlgalladii u dambeysay ay kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. – Radio Risaala

Leave a Reply