Dowladda Jabuuti oo ciidan cusub u soo dirtay Somaliya

 

21/12/2019

 

Djiboutian soldiers serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), stand on parade in honour of their Outgoing contingent Commander, Col. Abdirahman Riyaale Hareed, in Belet Weyne, Somalia on 20 December 2019. AMISOM Photo

Ciidan cusub oo ka socdo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa soo gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo bedel u ah ciidan horey ugu sugnaa magaaladaasi, oo dhameystay waajibaadkoodii shaqo.

Guutada toddobaad ee Ciidanka Militariga Jabuuti ayaa waxay bedelayan Guutada Shanaad, kuwaa oo dhameystay muddo xiloodka, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Amisom.

Ciidanka Guutada Shanaad ayaa ka dhoofay Garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ka dib markii ay Garoonkaasi ka soo deggeen Ciidanka Guutada toddobaad, sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom, Korneyl Maxamed Ibraahim Muuse ayaa si diiran Garoonka Magaalada Baledweyne uga sagootiyay ciidanka waqtigooda dhameystay, iyadoo uu kaga mahadceliyay sida ay waajibaadkooda u guteen.

Ka hor inta aanay is bedelin labada ciidan ayaa Xerada Amisom ee Magaalada Baledweyne waxaa Jimcihii lagu qabtay kulan looga hadlayay kala wareejinta labada ciidan. Kulankan waxaa ka qaybgalay Saraakiisha Ciidanka Amisom ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay Dowladda Somaliya ka caawiyaan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab. – Universal TV Somali

Leave a Reply