Dowlada Turkiga oo sii xoojinaya tababarrada ay siiyaan Ciidanka Soomaaliya

09-01-2019

 

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Turkiga.

Kulan labada dhinac ku dhexmaray xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee Muqdisho ayay ku gorfeeyeen sidii sare loogu qaadi lahaa kaalmooyinka dowladda Turkigu ay siiso wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

“Waxaan maanta kula kulmay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga xubno ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga, waxaan ka wada hadalnay kordhinta tababarrada dowladda Turkiga ay siiso saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo guud ahaan ciidamada dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu wafdiga Turkiga ka dhageystay warbixin ay ka siiyeen xaaladda ay ku suganyihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Turkiga.

“Waxaan ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladda ay ku suganyihiin ciidamada tababarka u jooga dalka Turkiga waxayna ii sheegeen in ay yihiin dhallinyaro firfircoon oo waxbartay una muuqdo in uu jiro dib u kabasho dhanka ciidanka ah,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ay dowladda Turkiga ay Muqdisho ka furatay saldhig weyn oo milatari kaasoo lagu tababaro ciidamada xoogga Soomaaliyeed halka ciidamada qaarkoodna tababar loogu qaado dalka Turkiga. – Hiiraan Xog

Leave a Reply