Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ka Hadashay Duqeyn Ka Dhacday Jilib, J/dhexe

 

02-12-2019

 

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay duqeyn ay diyaarado dagaal maalin kahor ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntan lala eegtay gaadiid uu la socday sarkaal sare oo Al-shabaab ah, halkaasina uu ku dhintay.

Afhayeenka ayaan sheegin magaca sarkaalkan la diley, iyo wuxuu u qaabilsanaa Al-shabaab balse uu hadalkiisa kusoo koobay in sarkaalkaasi uu laf dhabar u ahaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Duqeyntan waxaa fuliyey diyaaradaha Maraykanka, iyadoo war kasoo baxay AFRICOM lagu xaqiijiyey oo kaliya duqeyntan dhacday, balse aan la sheegin cidda lagu diley. – Goobjoog News

Leave a Reply